
Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa safar ku tagay magaalada Tel Aviv, wuxuuna la kulmay madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog.
Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in Cirro iyo Israac Herzog ay ka wadahadleen xiriirka cusub ee Israa’iil iyo Somaliland, gaar ahaa iskaashi istiraatijiyadeed oo ku salaysan dano-wadaag.
Kulanka kaddib waxay si wadajir ah u soo jeediyeen war-murtiyeed ay ku muujiyeen rabitaankooda ku aaddan xiriirka labada dhinac.
Booqashada madaxweynaha Somaliland ee Tel Aviv ayaa la sheegay in ay qaadan doonto muddo shan cisho ah, lamana hubo in Cirro uu la kulmi doono Ra’iisul Wasaare Netanyahu iyo in kale.
PUNTLAND POST