
Golaha wasiirrada Puntland ayaa meelmariyay xeerka doorashooyinka oo ay dhawaan soo gudbiyeen Guddiga doorashooyinka ee PEC, kaas oo u baahan in la waafajiyo Dastuurka.
Xeerka doorashooyinka waxaa ku jira in Puntland dib loogu celiyo nidaamka baarlamaaniga ah oo ay madaxweynaha soo doortaan xildhibaano ku yimid qof iyo cod.
Qodobkan waxaa la baddelay 2023, markaas Dastuurka Puntland qaybo ka mid ah lagu sameeyay wax-ka-baddel uu dhiig ku daatay.
Kalfadhiga Baarlamanka Puntland oo berri furmaya ayaa la horgayn doonaa xeerka doorashooyinka ee ay soo gudbiyeen Guddiga PEC, islamarkaana ay ansixiyeen golaha wasiirrada.
Puntland ayaa doonaysa in doorashada soo aadan ee 2029 ay noqoto hanaan qof iyo cod ah oo dadweynuhu soo doortaan xildhibaannada, balse dadka qaar waxay qabaan in arrintaas laga gaabiyay oo nidaamka dimuqraadiyeynta uusan u muuqan mid guuleysan kara.
PUNTLAND POST