Xasan Sheekh oo ka hadlay shidaalka ku jira badda iyo shirkad ka baxday heshiis

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shidaalka ku jira badda Soomaaliya ku sheegay 260 xirmo, oo xirmadiiba ka kooban tahay shan kun oo kiilo mitir oo iskuweera (5,000 km²).

Wuxuu tilmaamay in tan iyo 2015 ay dowladda Soomaaliya bixisay 12 xirmo oo mid ah 260-ka xirmo, islamarkaana ay shirkadaha Turkiga ku yeelihiin 3 xirmo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in 7 xirmo oo ka mid ah 12-ka xirmo shirkad haystahay dhowr iyo toban sano ay maalmo kar soo celisay oo sheegtay in ay heshiiskii ka baxday.

Madaxweyne Xasan Sheekh ma uusan sheegin shirkadda ka baxsay heshiiska iyo dalka lala leeyahay, basle wuxuu xusay in ay dhaqaale la’aan uga baxday heshiiska.

PUNTLAND POST