
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, iyada oo uu halkaas ku soo dhaweeyay madaxweyne Cali Guudlaawe.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ujeedka u halkaas u tagay lagu sheegay xarig ka jarka mashaariic horumarineed oo Jowhar laga hirgeliyay iyo kuwa uu dhagax-dhigayayo.
Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh inta uu ku sugan yahay Jowhar waxa uu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta Hirshabeelle iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaannadaas.
Safarka Xasan Sheekh ee Hirshabeelle wuxuu ku soo aaday xilliga uu dalku ku jiro xaalad kala guur ah, islamarkaana uu dhammaaday waqtigii dowladda dowladda federaalka iyo kan dowlad goboleedka Hirshabeelle.
PUNTLAND POST