
Hal qof ayaa ku dhintay, shan kalana waa ku dhaawacantay shil gaari oo saaka ka dhacay deegaanka Cawsane ee gobolka Sanaag.
Dhalinyaro ciyaartooy ah oo watay gaari bus ah, islamarkaana ka yimid magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa shil ku galay magaalada Cawsane, xilli ay safar ugu socdeen magaalada Badhan.
Dhallinyaradii shilka gaari ku dhaawacantay ayaa la soo gaarsiiyay degmada Carmo ee gobolka Bari, halkaas oo hadda qaarkood lagu daawaynayo.
Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo badanayay shilalka gaadiidka ee ka dhaca deegaannada Puntland, kuwaas oo badankood loo aaneeyo khibrad yarida wadayaasha gaadiidka.
PUNTLAND POST