Cawad oo ka falceliyey hadal uu jeediyay Lugatoor

Siyaasi Axmed Ciise Cawad ayaa taageeray hadal uu shalay jeediyay madaxweye ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, kaas oo ahaa in aysan deegaannada Puntland shirar iyo ciidamo ka abuubuli karin siyaasiyiinta xiriirka ka leh Villa Somalia.

Dhanka kale Cawad waxa uu madaxwayne ku xigeenka u soo jeediyay inuu mucaaradka ku raaco in Puntland laga ilaaliyo in ay dumiso maamul-xumo iyo kalitalisnimo gudaha ah, taas oo uu ku duray xukuumadda hadda jirta.

Hadal qoraal oo uu soo dhigay gacankiisa X (hore loo oran jiray Twitter) ayuu ku yiri “Waa ku raacsanahay Madaxweyne Kuxigeenka inaan kulligeen ka ilaalino Puntland hardaamada iyo kalitalisnimada Xasan Shiikh Maxamuud oo hadda Soomaaliya oo dhan halis ku ah”.

“Madaxweyne Kuxigeenku ha nagu raaco inaan Puntland ka ilaalinno inay dumiso maamul-xumo iyo kalitalisnimo gudaha ah” ayuu ku daray.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa deegaannada Puntland ku soo badanayay ciidamo sheegaya in ay ku biireen Federaalka iyo kuwa gadoodsan, kuwaas oo la aaminsan yahay in ay ka dambeeyaan mucaaradka xiriirka la leh Villa Somalia.

PUNTLAND POST