Puntland oo sheegtay in ay tallaabo ka qaadayso mucaaradka

Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in ay tallaabo adag ka qaadayso cidkasta oo isku dayda in ay waxyeesho amniga guud ee deegaannada Puntland.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Puntland Bile Maxamuud Axmed (Qabowsade) ayaa hadal qoraal oo uu soo saaray ku yiri “Waa khad cas amniga iyo nabadgelyada Puntland oo aan laga gudbi karin, cidkasta oo isku dayda inay waxyeesho amniga guud tallaabo adag ayey dowladda ka qaadaysaa”.

“Qof looga heybaysanayaa ma jirto inay qalalaase iyo amni darro ka shaqeyso ama ka abuurto Puntland” ayuu raaciyay.

Bile Qabowsade wuxuu tilmaamay in aan mucaaradka waxba laga waydiinayn talada dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadka Puntland annagaa dowlad u ah kuwa banaanka wareegaya wax laga weydiin maayo, maxaa yeellay masuuliyadda naloo dhaariyey, iyadaa nafaraysa in aan ilaalino jiritaanka nabadgalyada iyo nidaamka Puntland ka jira” ayuu yiri Bile Qabowsade.

Hadalka Bile Qabowsade wuxuu ku soo aaday, xilli deegaanada Puntland ay muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanayeen ciidamo sheegaya in ay ku biireen Federaalka iyo kuwa gadoodsan, kuwaas oo la aaminsan yahay in ay ka dambeeyaan mucaaradka xiriirka la leh Villa Somalia.

PUNTLAND POST