Aadan Madoobe oo loo doortay madaxweynaha Koonfur Galbeed

Sheekh Aadan Maxamuud Nuur (Madoobe) ayaa goordhaweyd loo doortay madaxweynaha maamuulka Koonfur Galbeed, isaga oo helay 88 cod, waxaana dhinac ka maray hal cod oo keliya.

Aadan Madoobe waxaa hoolka doorashada la galay Cabdicasiis Maxamed Jawaari oo helay 1 cod, halka hoolka doorashada aysan imaan Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo 6 xildhibaan oo ka mid ah baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Doorashada Baydhabo ayaa ahayd mid natiijadeeda la sii ogaa, islamarkaana ay si cad u muuqatay in uu ku soo bixi doono Aadan Madoobe oo ay wadatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Aadan Madoobe wuxuu hadda ahaa guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlaamanka fedderaalka Soomaaliya, xilkaas oo uu hayey tan iyo 2022-kii.

Wuxuu hore u soo noqday guddoomiyihii baarlamaanka dawladdii ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya, isaga oo sidoo kale ka tirsanaan jiray jabhaddii RRA.

PUNTLAND POST