
Puntland ayaa sheegtay in ay maanta xirty 18 askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Birmadka, kuwaas oo ku eedeeysan qalalaase iyo falal amni darro ah oo 7 bishan ka dhacay magaalada Garoowe.
War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidanka Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidanka Booliska Puntland uu shacabka ka raalli gelinayo falkii qalalaasaha watay ee ka dhacay caasimadda Garoowe June 07, 2026, kadib markii koox ka tirsan Ciidanka Booliska Birmadka ay si sharci darro ah u hakiyeen isku socodka gaadiidka, una carqaladeeyeen amniga iyo kala dambeynta.
Taliska Ciidanka Booliska wuxuu si cad u sheegay in dhacdadaasi aysan matalin nidaamka, anshaxa iyo waajibaadka Ciidanka Booliska, balse ay ahayd fal abaabulan oo ay ku lug lahaayeen gacmo dano gaar ah leh, kuwaas oo ujeedkoodu ahaa dhaawaca sumcadda ciidamada iyo suurad xumeynta dowladda.
Booliska Puntland wuxuu xusay in askar la xiray ay ku socdaan baaritaanno rasmi ah, islamarkaana la horgeyn doono Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Ciidanka Booliska Puntland wuxuu sidoo kale u rajeynayay Ciidanka Birmadka soo kabasho iyo dib u soo celinta sumcaddii dhaawaca gaartay kadib falkii ka dhacay Garoowe.
Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay in ilaalinta amniga iyo kala dambeynta ay yihiin waajibaad dastuuri ah, islamarkaana aan loo dulqaadan doonin fal kasta oo lid ku ah xasilloonida dalka.
PUNTLAND POST