
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku guuldarraysatay dadaallo badan oo ay sameysay oo la xiriira arrinta garsoore Cumar Cartan oo loo diiday dal-ku-galka Maraykanka.
Hadal qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “Kadib markii la ogaaday in garsoore Cumar Cartan uu la kulmay caqabado la xiriira ogolaanshaha gelida dalka Maraykanka (Entry Denied), Wasaaraddu iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Madaxtooyada, waxay sameysay dadaallo diblomaasiyadeed iyo wada-xaajood ballaaran oo lala yeeshay Dowladda Maraykanka iyo hay’adda FIFA si xal degdeg ah loogu helo arrintan. Nasiib darro, inkastoo dadaalladaas xooggan la sameeyay, ma suuragelin in xal laga gaaro”.
Dowaladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay si weyn uga xun tahay duruufihii sababay in garsoore Cumar Cartan uu ka baaqdo ka qeybgalka Koobka Adduunka ee ka furmaya dalalka Maraykanka, Kanada iyo Meksiko.

PUNTLAND POST