
Israa’iil ayaa qaaday weeraro aargoosi ah oo ka dhan ah Iiraan, kaddib markii xalay Tehran ay weeraro lama filaan ah ku qaaday waqooyiga Israa’iil.
Israa’iil ayaa sheegtay in ay duqeysay bartilmaameedyo milatari oo ku yaalla galbeedka iyo bartamaha Iiraan, waxaana qaraxyo laga maqlay magaalooyinka Tehran, Tabriz, Isfahan iyo meel u dhow Kara.
Iiraan ayaa iyana duqeymo mowjado ah ku weerartay Israa’iil, waxayna duqaysay saldhigyada milateri ee ku yaala saxaraha lama degaanka ah ee ay ka duulayaan diyaaradaha milateri Israa’iil.
Dhanka kale Xuutiyiinta Yemen ayaa ku soo biiray dagaalka, iyaga gantaallo ku garaacay Israa’iil, islamarkaana sheegay in ay xirayaan marin biyoodka muhiimka ah ee Baabul Mandab.
PUNTLAND POST