Ciidamo gadoodsan oo xirtay qaar ka mid ah waddooyinka Garoowe

Ciidamo ka tirsan Birmadka Booliska Puntland oo dhawaan tababar loogu soo xiray kulliyadda Carmo ayaa maanta xirtay qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Garoowe, kuwaas oo sheegay in ay cabanayaan mushaar la’aan.

Ciidamadan oo dhawaan la keenay xerada 54-aad ee duleedka waqooyi ee magaalada Garoowe waxay xirteen waddada halbaha ah ee xiriirisa barxadda Garoowe, buundada cusub ee isbitaalka guud ilaa jaamacadda PSU, waxayna joojiyeen isu socodka gaadiidka.

Maahan markii ugu horreysay oo ciidamo ka tirsan Puntland ay xirtaan waddooyinka, kuwaas oo ka cabanaya mushaar la’aan, balse marar ayaa la arkay dhacdooyin noocaan ah.

PUNTLAND POST