Puntland oo mamnuucday shirarka mucaaradka ee Qardho

Maamulka gobolka Karkaar ee Puntland ayaa soo saaray qoraal lagu mamnuucay in aan gobolka iyo magaalada Qardho lagu qaban karin shirarka saxaafadda iyo kulamada aysan ka warheyn dowladda.

Maamulka gobolka Karkaar wuxuu ku wargeliyay maamulayaasha hoteelada iyo goobaha shirarka in aan xarumahooda lagu qaban karin shir aan ogolaansho ka haysan dowladda, islamarkaana tallaabo laga qaadi doonto ciddii jabisa amarkan.

Warqadan waxay soo baxday, xilli shalay magaalada Qardho uu ka dhacay shir ay yeesheen xubno ka mid ah mucaaradka Puntland ee xiriirka la leh Villa Somalia iyo qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Karkaar, kaas oo lagu taageeray madaxweyne Xasan Sheekh.

PUNTLAND POST