Qaramada Midoobay oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Muqdisho

Warbixin ay wadajir u soo saareen Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) iyo Kooxda Ilaalinta Bani’aadantinimo ayaa lagu sheegay in iska horimaadyadii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ay sababeen dhimashada 13 qof iyo dhaawaca 189 kale.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu xusay in dagaaladii Muqdisho ay ku barakaceen ku dhawaad 12,500 oo qoys, islamarkaana uu dagaalku ku faafay dhowr xaafadood oo ay dadku ku badan yihiin.

Warbixintu waxay ka digtay dhibaato sii kordheysa oo la xiriirta badbaadada dadka rayidka ah, iyada oo ugu baaqday dhammaan dhinacyada isku haya siyaasadda in ay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimo, ayna dammaanad qaadaan in gargaarka bani’aadantinimo uu si ammaan ah u gaaro dadka u baahan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ayaa midkoodna sheegin khasaaraha uu sababay dagaalkii ku dhexmaray xaafado ka mid ah Muqdisho.

PUNTLAND POST