
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo gabagabeysay howl hawlgal ay uga hortay maleeshiyaad rabay in ay ammi darro ka buuraan Muqdisho oo ay tilmaamtay in ay soo abuubuleen siyaasiyiin ay ka mid yihiin Xasan Cali Khayre iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ciidamada amniga ay soo gabagabeeyeen hawlgal qaatay muddo 48 saac ah, kaas oo ay uga hortagayeen maleeshiyaad abaabulan oo doonayay in ay xaalad amni darro ka abuuraan magaalada Muqdisho.
Dowladd Federaalka waxay xustay in ay hubka dhigis ku sameysay maleeshiyaadkaas, islamarkaana cadaaladda la hor gayn doono cidkasta oo ku lug yeelata dagaalkii ka dhacay Muqdisho, sida ay hadalka u dhigtay.
Dawladda Federaalka waxay tilmaantay in aysan aqbalayn maleeshiyaad iyo hub sharcidarro ah oo lagu wato Muqdisho, iyada oo uga digtay cidkasta oo arrintaas ku hawlan.

PUNTLAND POST