
Puntland ayaa si adag u cambaareysay dagaalkii ka dhacay magaalada Muqdisho, iyada oo mas’uulayadiisa dusha ka saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay shir ay yeesheen golaha wasiirrada Puntland ayaa lagu sheegay in dagaalkii ka dhacay guryaha madaxweyne hore Sheekh Shariif iyo Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre ay mas’uuliyadiisa iyo wixii khasaare ah ee ka dhashay ay qaadayso dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Puntland oo ka mid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliya waxay ka digtay weeraro, jajuub, xarig iyo barakicin ay sheegtay in lagu hayo shacabka degan Muqdisho, iyada oo ka tacsiyeeyay dadkii ku waxyeelloobay dagaalkii ka dhacay magaaladaas.
Puntland waxay xustay si looga hortago qalalaasaha siyaasadeed iyo khalkhalka amni, in ay xalka u aragto in si dhakhso ah looga heshiiyo doorashada hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ee waqtigoodu dhammaaday.

PUNTLAND POST