Maraykanka iyo Ingiriiska oo ka hadlay dagaalka Muqdisho

Dowladaha ugu tunka weyn Beesha Caalamka ee Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa walaac weyn ka muujiyay dagaalka ka socda magaalada Muqdisho ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka.

Qoraal kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in rabshadaha ka dhacaya magaalada Muqdisho yihiin kuwo aan taxaddar lahayn. Maraykanka wuxuu xusay in hoggaamiyeyaasha Soomaalida oo dhan mas’uul ka yihiin ilaalinta xasilloonida iyo xallinta khilaafaadka, iyaga oo adeegsanaya habab nabadeed.

Maraykanka waxa uu tilmaamay in tallaabooyinka la qaadayo saacadaha iyo maalmaha soo socda ay yeelan karaan cawaaqib waara oo ku yimaada amniga, midnimada iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Sidoo kale qoraal ka soo baxay safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in rabshadaha Muqdisho yihiin kuwo aan la aqbali karin, iyada oo loogu baaqay dhammaan dhinacyada in ay is xakameeyaan, kana fogaadaan tallaabooyin sii hurin kara xiisadda.

Dowladda Ingiriiska waxay ku boorsiyay dowladda iyo mucaaradka in ay galaan wadahadal loo dhan yahay oo wax ku ool ah, si khilaafaadka jira loogu xalliyo si nabad ah loogana hortago in ay xaaladdu sii xumaato.

PUNTLAND POST