Dagaal ka socda magaalada Muqdisho

Dagaal ayaa goordhaweyd ka qarxay Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeya ciidamada taageersan mucaaradka iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan ayaa laga maqlayaa Isgoyska Dabka iyo qaybo ka mid ah xaafadaha degmada Howlwadaag, waxaana weli la xaqiijin karin khasaaraha uu sababay dagaalkaas.

Ilaa maanta waxaa aagaas isku fordhiyay ciidamo ay wateen xubno ka mid ah mucaaradka oo degmadaas xalay soo degay iyo ciidamo ka tirsan dowladda federaalka oo halkaas la geeyay.

Qaar ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa maantadii hore bilaabay in ay ka barakacaan xaafadaha qaar, kaddib markii ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka muujiyeen mucaaradka iyo dowladda oo isku haysta muddo xileedka iyo doorashooyinka dalka.

Beesha Caalamka oo Mareykanku ugu tun weyn yahay ayaa maalin ka hor ugu baaqday dowladda iyo mucaaradka in ay si degdeg ah uga heshiiyaan khilaafka doorashooyinka, si dalku uusan u guda gelin amni daro iyo xasilooni la’aan siyaasadeed.

PUNTLAND POST