
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Sare ee Maamulka Sanduuqa Qaran ee Maareynta Khataraha Musiibooyinka.
Guddiga oo ka kooban 16 xubnood waxaa ku jira xubno ka mid ah hay’adaha dowladda iyo xubno ka mid ah qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo kala ah;
1.Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), guddoomiye
2. Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, gudoomiye ku-xigeenka.
3. Wasiirka Qorsheynta Maxamed Cabdiraxmaan Beene Beene, xubin
4. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xasan Maxamed Xuseen (Xasan Eeley), xubin
5. Wasiirka Deegaanka iyo Cimilada Bashiir Goobe, xubin
6. Wasiirka Caafimaadka Cali Xaaji Aadan, Xubin
7. Wasiirka Ganacsiga Jamaal Maxamed Xasan, xubin
8. Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xirsi Jaamac Gaani, xubin
9. Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, xubin
10. Sheekh Bashiir Axmed Salaad, xubin.
11. Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdullabari, xubin
12. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aadan (Galaanbi) xubin
13. Cabdullaahi Nuur Cismaan, xubin
14. Maryn Taqan Xuseen, xubin
15. Duniyo Maxamed Cali, xubin
16. Cabdullaahi Maxamuud Diiriye, Xoghaye.
Magacaabista Guddigan ayaa la sheegay in ay waafaqsan qodobka 9-aad ee Xeernidaamiyaha Sanduuqa Qaran ee Maareynta Khataraha Musiibooyinka (Xeer Ra’iisul Wasaare Lr. 197/2026 ee ku taariikheysan 08/02/2026).
PUNTLAND POST