
Kooxda PSG ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah ku guuleysatay koobka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League, kaddib markii ay riigoorayaal 4-3 ah kaga adkaatay kooxda Arsenal.
Ciyaarta PSG iyo Arsenal dhexmartay oo 120 daqiiqo socotay waxay labada kooxood isla dhaafi waayeen barbar dhac 1-1 ah. Kooxda Arsenal ayaa bilowgii ciyaarta gool ku hoggaamisay, hase yeeshee waxaa lagu bareejeeyay gool ku laad ay qaybtii dambe heshay PSG.
Kooxda reer Ingiriiska ee Arsenal oo qaaradda Afrika aad looga taageero ayaa taageerayaasheedu filayeen in ay sanadkan hanan doonaan koobka kooxaha Yurub, kana bixi doonaan abaarta Champions League la’aanta, balse taasi ma dhicin oo koobkii waxaa ka qaaday kooxda Faransiiska ee PSG.
Ciyaarta kama dambaysta ah ee tartanka kooxaha Yurub ayaa xalay ka dhacday magaalada Budapest ee caasimadda dalka Hungary.
PUNTLAND POST