In ka badan 25 kun oo arday oo u fariistay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland

25,221 arday ayaa deegaannada Puntland maanta u fariistay Imtixaanka Shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2025-2026, kuwaas oo isugu jira fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe iyo fasalka 4-aad ee dugsiga sare.

Imitixaanka ayaa hal waqti ka wada furmay 166 xarumood oo Puntland ah, kuwaas oo ku kala yaalla gobollada Mudug, Nugaal, Karkaar, Bari, Sanaag, Haylaan iyo Raascasayr, sida uu sheegay wasiirka waxbarashada Fu’aad Abshir Axmed.

Gobolka Mudug ayaa noqday gobolka tirada ugu badan ku leh ardayda maanta u fariistay imtixaanka, wuxuuna ku leeyahay 7,317 arday, halka gobolka Bari uu ku leeyahay 6,546 arday, sidoo kale gobolka Nugaal ayaa ku leh 6,381 arday.

Kusimaha madaxweynaha, ahna madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo ay weheliyaan mas’uuliyiin kale ayaa imtixaanka ka daahfuray magaalada Garoowe.

PUNTLAND POST