Puntland oo taageero u muujisay Galmudug

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin Galmudug, islamarkaana ay ka qaybqaadanayaan waxkasta oo lagu badbaadinayo deganaanshaheeda, dowladnimeeda iyo wadajirkeeda.

Madaxweyne Lugatoor wuxuu ugu baaqay reer Galmudug in ay dowladnimooda badbaadsadaan iyo in ay qabsadaan doorasho ay isku raacsan yihiin.

Madaxweyne Lugatoor oo saaka hadalka ka jeediyay munaasabad ka dhacday Garowe oo lugu daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland ayaa yiri “waxaan leeyahay reer Galmudug fadhi wanaagsan gala, dowladnimadiinana badbaadsada, doorasho la isla ogol yahayna gala. Puntlandna waa garab taagan tahay waxkasta oo lagu badbaadinayo dowladnimada Galmudug”.

Sidoo kale madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor wuxuu sheegay in ay madaxweyne Xasan Sheekh uu hadda cidla taagan yahay oo ay kala dhaqaaqeen saaxiibadiisa, islamarkaana loo baahan yahay in si wadajir ah gacanta loo qabto oo dalka loo la geliyo doorasho la isla ogol yahay.

Dhanka kale Lugatoor wuxuu dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay dagaalkii saaka dhacay magaalada Baydhabo, isaga taageero u muujiyay madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

PUNTLAND POST