Wararkii ugu dambeeyay ee Baydhabo

Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa hadda deggan, kaddib markii ay saaka ku dagaalameen ciidan taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee halkaas ku sugan.

Ciidankii daacada u ahaa Laftagareen ayaa isaga baxay magaalada, kaddib muddo nus saac ka badan oo dagaal ka socday qaybo ka mid ah Baydhabo, waxaana ilaa hadda aan la xaqiijin karin inta uu le’eg yahay khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska Qeybta 60-aad ayaa sheegay in xaaladda amni ee magaalada Baydhabo ay tahay mid deggan, islamarkaana ay si buuxda gacanta ugu hayaan amniga magaalada.

Dagaalka ka dhacay Baydhabo ayaa ku soo aaday, xilli lagu waddo in maanta magaaladaas lagu dhaariyo xildhibaanada cusub ee maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo ku soo baxay doorashadii dhawaan halkaas ka dhacday.

PUNTLAND POST