
Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhexgalay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Salaad, kaas oo la xiriira arrimaha doorashada Galmudug.
Mahad Salaad ayaa u sheegay madaxweyne Xasan Sheekh in uu rabo madaxweynaha maamulka Galmudug, islamarkaana uusan doonayn in awood ciidan lagu muquuniyo madaxweyne Qoorqoor oo uu isagu tanaasul ka keeni karo.
Wararka ayaa sheegaya in dhowr kulan oo dhexmaray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad ay ku dhamaadeen natiijo la’aan, welina ay ku ballansan yihiin kulamo kale.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa la sheegay in uu la safan yahay Mahad Salaad oo uusan doonayn Liibaan Shuluq oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u wato madaxweynaha Galmudug.
Inta badan siyaasiyiinta ka soo jeeda Galmudug ayaa diidan in ay Dhuusamareeb ka dhacdo tii Baydhabo ka dhacday oo kale, taas oo saameyn ku yeelatay amniga deegaannada Koonfur Galbeed.
PUNTLAND POST