
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa sheegay in aysan soconayn qorshaha Villa Somalia ee doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed.
Qoorqoor oo maanta hadal ka jeediyay Dhuusamareeb ayaa tilmaamay in arrimaha lagu muran yahay ee doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed looga gudbi karo oo keliya wadatashi iyo wadajirka.
Waxa uu si dadban uga hadlay Liibaan Shuluq oo la sheegay in dowladda federaalka u soo xulatay madaxweynaha Galmudug, isaga oo arrimtaas ku tilmaamay dacaayad iyo wax aan jirin.
Madaxweyne Qoorqoor wuxuu sheegay in xilligan aan la joogin waqtiga koox yar ay dadka talo u soo gooyaan ama qarshahoodu shaqeeyo, taas oo loo fasiran karo in uu ula jeeday kooxda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
PUNTLAND POST