Axmed Madoobe oo lacago ka bixiyay maxabiis ku xirnayd Kismaayo

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa munaasabadda Ciidul Adxaa awgeed cafis u fidiyay 31 maxbuus oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo.

Mabaaxiista ayaa la sheegay in 21 ka mid ah loo haystay lacago uu ka bixiyay madaxweyne Axmed Madoobe, si ay munaasabadda Ciidda ula qeybsadaan eheladooda iyo bulshada.

Warqad ka soo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu yiri “madaxweynaha Jubaland wuxuu go’aamiyay laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 26 May 2026 in uu cafis guud u fidiyay maxaabiista danbiyada fudud ku xukuman ee ku xidhan xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo, kuwaa soo tiradoodu tahay 31 maxbuus oo 21 ka mid ah Madaxweynuhu ka bixiyay dayn lagu lahaa”.

PUNTLAND POST