Malaayiin muslimiin ah oo maanta taagan banka Carafo

Ku dhawaad 2 milyan oo muslimiin ah oo ka kala yimid caalamka ayaa maanta ku sugan buurta Carafo dusheeda, kuwaasoo gudana waajibaadka xajka ee sannadkan, waxaana sooman maanta inta baan muslimiinta kale ee aan ku sugnayn Carafo.

Xujeyda ayaa saakay aroortii kasoo dhaqaaqay Mina iyagoo u jiheystay buurta Carafo, iyadoo in la dul-istaago buurta Carafo uu Nebi Muxamed [NNKH] ku tilmaamay inay tahay acmaasha ugu weyn xajka.

Xujeyda ayaa maanta marka ay qoraxdu dhacdo waxay aadi doonaan dhanka Musdalifa, si ay habeenkooda ugu qaataan Alle bari, ama ay u dhameystiraan waajibaadkooda xajka, waxaana ay isku jamcin doonaan salaadda maqrib iyo cisho.

Ugu dmabeyn, shacabka muslimiinta ah ayaa maalinta berri ah isku diyaarinaya u dabaal–degidda maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa oo ka mid ah Ciidaha muslimiintu ay tirsadaan.

PUNTLAND POST