
Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan) ayaa ka horyimid go’aan ay soo saartay maxkamad darajada koowaad ee degmada Garoowe, kaas oo la xiriira xayiraad la saaray koonto (account) ay hay’adda Save The Children ku leedahay bangiga Dahabshiil.
Axmed Taaraan ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in koontada hay’adaas aan la xiri karin, islamarkaana maxkamadda darajada koowaad ee degmada Garoowe aysan lahayn awood ay ku xirto koonto noocaas ah.
Dhanka kale maxkamadda darajada koowaad ee degmada Garoowe oo ka soo jawaabtay warqada Axmed Taaraan ayaa sheegtay in ay diidan tahay faragelinta uu xeer ilaaliyaha guud ku sameeyay awood maxkamadda.
Sidoo kale waxay xustay in go’aankeedii hore ee ay ku xayirtay koontada hay’adda Save The Children uu weli dhaqangal yahay (sharci yahay).


Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo ka hadlay arrintan ayaa ku tilmaamay sharci ku-tumasho ka jirta hay’daha Garsoorka Puntland.
“Sharci ku-tumashada ka jirta hay’daha Garsoorka Puntland oo gaarey heer la isugu jawaabo baraha bulshada. Yaa xeer iyo xaq u raadsanaya garsoor caynkaas ah? Yaase ka mas’uul ah xeer la’aanta hay’adaha Garsoorka Puntland ee xariga goostey? Yaa difaacaya xuquuqda shacabka, hay’adaha bulshada rayidka ah & ganacsatada?” ayuu yiri Cali Xaaji Warsame.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhamaadkii sanadkii hore sheegay in hay’adaha garsoorka ay dhaliil badan ka jirto, islamarkaasna uu si degdeg ah wax uga qaban doono arrintaas.
PUNTLAND POST