
Xulka kubadda cagta caasimadda Garoowe ayaa ku guulaystay tartankii magaalo madaxyada gobollada Puntland ee ka socday magaalada Boosaaso.
Garoowe iyo Qardho ayaa galabta ciyaaray kulankii kama dambaysta ahaa, waxaana qaybtii labaad ciyaarta oo maraysa 0-0, garoonka ka baxay xulka Qardho, kaddib markii uu kaar casaan ah qaatay gool hayahooda, sidoo kale lagu helay gool-ku-laad.
Waxaana markii waqtigii caadiga ahaa dhammaaday badin la siiyay xulka Garoowe oo noqday magaaladii ugu horreysay ee qaaday tartanka caasimadaha gobollada Puntland oo sanadkan loogu magac-daray Calmiskaad Cup.
Garoowe iyo gobolka Nugaal ayaa tartamada kubadda cagta Puntland ugu guuleysi badan, iyaga oo haysta afar koob oo heer gobol ah iyo mid heer magaalo madax ah.
PUNTLAND POST