Qoys reer miyi ah oo waxyeello ka soo gaartay duqeyn ka dhacday Calmiskaad

Hooyo xaamilo ah iyo saddex carruur ah oo ay dhashay ayaa ku dhintay duqeyn dhowr maalmood ka hor ka dhacday buuraley 30 km u jirta deegaanka Buruc oo ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari.

Sidoo kale duqeynta oo ilaa hadda aan la ogayn cidda gaysatay waxaa ku dhaawacmay aabihii qoyska, waxaana arrintaas laga war helay shalay, sida uu sheegay guddoomiyaha deegaanka Buruc Daad Ciise Maxamuud oo la hadlay warbaahinta.

Guddoomiye Daad ayaa sheegay in duqeyntaasi ay dhacday afar berri ka hor, sababta loo ogaan waayayna ay tahay isgaarsiin la’aan deegaankaas ka jirta.

“Duqeyntaas waxay ku dhacday reer deganaa meel Buruc u jirta 30 km oo ka koobnaa haween xaamilo ah, saddex carruur ah iyo odaygii reerka, hooyadii xaamilada ahayd, saddexdii ciyaalka ahaa iyo xoolihii ay haysteen midna lama arag” ayuu yiri guddoomiye Daad.

“Odaygii oo dhaawac qaba ayaa tagay meel isgaarsiin leh oo soo hadlay, dad ayaana gurmad u aaday meeshii dhacdadu ka dhacday” ayuu raaciyay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo duqeynt lala eegto qoys reer miyi ah oo ku nool buuraha Calmiskaad, sanadkii hore ee 2025 waxaa waxyeello soo gaartay labo qoys oo kale.

Buuraha Calmiskaad oo lagu dagaalamayo argagsixisada Daacish waxaa ka dhaca duqeymo ay gaystaan saaxiibada caalamiga ah ee Puntland, kuwaas oo lala beegsado goobaha ay ku dhuumaalaystaan ururkaas.

PUNTLAND POST