Madaxweyne Deni oo safar u baxay

Madaxweyne Siciid Cabullaahi Deni ayaa safar aan la shaacin ugu baxay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta oo saaxiib dhow la ah Puntland.

Madaxweyne Deni oo galabta ka dhoofay garoonka diyaaradaha caasimadda Garoowe, ayaa sii maraya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, isagoo halkaasi uga sii gudbaya waddanka Imaaraadka Carabta.

Dad lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyay in safarka Siciid Deni ku tegayo waddanka Imaaraadka Carabta uu la xiriiro arrimo siyaasadeed, wuxuuna ku soo aaday xilli ay Soomaaliya gashay waqti kala guur.

Madaxweyne Deni wuxuu marar badan safarro aan la faahfaahin oo muddo qaatay ku aaday dalka Imaaraadka Carabta oo ka mid ah dalalka saameynta ku leh siyaasadda Soomaaliya.

PUNTLAND POST