
Ugaaska beesha Dishiishe Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin ayaa beeniyay in uu wakaalad ama wakiilnimo siiyay Ibraahim Ugaas Yaasiin oo ah walaalkiis.
Ugaaska ayaa hadal qoraal ah oo uu soo saaray ku yiri “anigoo ah Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin Ugaas Cabdiraxmaan, Ugaaska guud ee beelweynta Dishiishe – Axmed Harti waxaan caddeynayaa islamarkaana cambaaraynayaa sheegashada iyo been-abuurka ah in aan wakaalad ama wakiilnimo siisay Ibraahim Ugaas Yaasiin, kaas oo sheeganaya in uu yahay wakiil igu matala howlaha hoggaaminta dhaqanka ee beesha aan Ugaaska u ahay”.
Hadalka Ugaaska ayaa yimid, xilli shalay beesha Dishiishe shaacisay in wakiilka Ugaas Xasan ay u doorteen Ibraahim Ugaas Yaasiin, iyadoo kulankaas ay ka qaybgaleen xildhibaanno, wasiiro, nabaddoonno, haween iyo dhalinyaro.
Hore waxaa wakiilka Ugaaska Xasan u ahaa Cabdifitaax Ugaas Yaasiin oo dhawaan uu madaxwayne Deni ka dhigay wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland.

PUNTLAND POST