Cabdi Qaybdiid: Galmudug ma aha Baydhabo oo kale

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo ka mid ah mucaaradka Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan doorasho qof iyo cod ah ka qaban karin deegaannada Galmudug.

Senator Qaybdiid wuxuu tilmaamay in aysan Galmudug ahayn Koonfur Galbeed oo kale, islamarkaana ay ka hor-imanayaan doorashada la qorsheynayo in ay dhawaan ka dhacdo halkaas.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay banaanbaxa ay mucaaradka u ballansan yihiin 4-tan bishan, isaga oo ku hanjabay in ay ka hortagi doonaan tallaabo kasta oo xagooda ay u soo qaado Dowladda Federaalka.

“Galmudug ma aha Baydhabo oo kale, lama xoogi karo, wax aan reer Galmudug doonayn naguma socon karaan” ayuu yiri Qaybdiid, isaga oo ku daray “Xasan waqtigiisii waa dhammaaday dalka mas’uul kama ah, 4-ta bisha bal ciidan ha keeno, waa lays arkiye” ayuu raaciyay.

Muraacadka ayaa ku doodaya in madaxweyne Xasan Sheekh in uu waqti ka dhammaaday oo yahay madaxweyne hore, halka Dowladda Federaalka ay sheegtay in waqtigeedu ku eg yahay 15 Maajo 2027-ka, islamarkaana ay doonayso in ay dalka ka qabato doorashooyin toos.

PUNTLAND POST