Booliska Puntland ayaa sheegay in uu qabtay 320 qof oo tahriibayaal ah, kuwaas oo doonayay in ay si dhuumaaleysi ah ku soo galaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Dadkan oo u dhashay qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya ayaa waxaa waday labo gaari oo nooca xamuulka ah, sida uu sheegay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Bari Col. Siciid Aadan Siciid.
Taliye Siciid ayaa tilmaamay in dadkan lagu celin doono dalkooda Itoobiya, isaga oo dhanka kalana xusay in hadda kadib ay dowladda la wareegi doonto gaadiidkii lagu qabto isagoo tahriibayaal soo gelinaya magaalada Boosaaso iyo Puntland.
Kumanaan tahriibayaal ah oo u dhashay dalka Itoobiya ayaa ku sugan deegaannada Puntland, kuwaas oo marar badan dowladdu sheegtay in ay ku celinayso dalkooda.
PUNTLAND POST