Golaha wasiirrada Puntland ayaa maanta soo saaray war-murtiyeed lagu caddeynayo mowqifka dowladda Puntland ee hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
War-murtiyeedka oo uu akhriyay wasiirka warfaafinta Faarax Cali Xirsi ayaa lagu sheegay in Puntland hadda kadib Xassan Sheekh u aqoonsan tahay madaxweyne hore, Dowladda Federaalkuna ay lumisay sharciyadii loo doortay.
Golaha wasiirrada Puntland ayaa isku raacay in loo baahan yahay in ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaana waxgaradka ay iskugu yimaadaan shir looga tashanayo mustaqbalka Soomaaliya.
Puntland ayaa ugu digtay dalalka iyo hay’addaha Shisheeye in ay heshiisyo lagalaan Dowladda Federaalka ee hadda jirta. Sidoo kale Puntland waxay cambaaraysay xiraga iyo burburinta dhulka ee ay Dowladda Federaalka ka waddo magaalada Muqdisho.
PUNTLAND POST