
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay xalay xarig iyo jirdil u gaysatay shacab ku nool degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.
Khayre waxa kale oo uu ku eedeeyay dowladda Federaalka in ay weli wado burburintii dhulka Deyniile oo hore maamulka gobokka Banaadir uu u sheegay in la joojiyay.
Ra’iisul Wasaare hore ee Khayre ayaa hadal qoraal ah oo uu soo saaray ku yiri “Waxaan si adag u cambaareynayaa duullaanka, gumaadka, jirdilka, iyo afduubka dowladda Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ay xalay saqdii dhexe u gaysatay shacabka ku nool degmada Deyniile. Waxaa ayaandarro ah in dad birimageydo ah oo hurdaya laga afduubto guyahooda, kadibna lagula kaco jirdil, si loo cabsigeliyo, loona bililiqaysto guryahooda, qaarkoodna aan ilaa hadda la garanayn halka ay ku xiran yihiin”.
“Waxaa sidoo kale ayaandarro ah in taliska waqtigiisu dhammaaday ee Xasan Sheekh ay shacabka Soomaaliyeed hortooda ka ballanqaadeen in ay joojiyeen boobka dhulka iyo barakicinta shacabka, waxaase marag-madoonto ah in cagaftii, boobkii iyo barakicintii ay halkoodii ka sii socdaan, taas oo marqaati u ah sida ay isu burinayaan hadalka iyo ficilka Xasan Shiikh oo aanay marnaba is waafaqsanayn” ayuu raaciyay.
Wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo shacabka xalay laga xiray degmada Dayniile iyo muwaadiniinta kale ee sharcidarrada ugu xiran magaalada Muqdisho.
Sidoo kale ciidanka qaranka ayuu uga baaqay in aysan ka qeybqaadan barakicinta dadweynaha ee ay fulinayso dowladda Xasan Sheekh, sida uu hadalka u dhigay.
PUNTLAND POST