
Dowladda Soomaaliya si adag u cambaareysay tallaabada uu maamulka Somaliland ku sheegay in uu safaarad ka furanayo magaalada Qudus ee ku yaallo masjidka barakaysan ee Aqsa.
Dowladda Soomaaliya waxay caddeysay in tallaabadaas aysan lahayn wax sharciyad ah ama saameyn sharciyeed toona, islamarkaana ay tahay fal daandaansi ah oo aan la aqbali karin, kaas oo meel ka dhac ku ah dareenka iyo mowqifka dalalka Carabta iyo caalamka Islaamka.
Soomaaliya waxay xustay in ay diiddan tahay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa sharcinimada iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya, kana hor imaanaysa qawaaniinta caalamiga ah iyo go’aannada ay soo saareen hay’adaha heer gobol iyo kuwa caalami ah.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada, madaxbannaanida, wadajirka dhuleed iyo qarannimada dalka.

PUNTLAND POST