Puntland: Mas’uul hore oo ka hadlay xaaladda cakiran ee Soomaaliya

Agaasimihii hore ee Hay’adda Maamul Wanaagga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa Puntland Cabdiraxmaan Cali Guureeye ayaa ku tilmaamay xaaladda Soomaaliya ay maanta wajahayso mid aan laga indha qarsan karin oo u muuqato mid u eg maamlmihii ugu danbeeyey dowladdii Kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre.

“Soomaaliya waxay ku jirtaa xilli aad xasaasi u ah, dadkuna ay aad u daallan yihiin, kana nugul yihiin sidii hore balse ay u baahan yihiin u danqasho iyo u turid” ayuu yiri agaasime hore Guureeye.

 “Sidoo kale waxaa muuqda kala qaybin iyo  khataro waaweyn oo ka baxsan gacanta Soomaaliya, waxaana muuqda ififaale u eg dhammaadkii 1990-kii marka loo eego kala fogaynta bulshada” ayuu raaciyay.

Agaasime Guureeye ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta Soomaalida wadatashi degdeg ah iyo dalka markale laga badbaadiyo burbur hor leh oo sida uu tilmaamay aysan markan sahlanayn in laga soo kabto.

“Waxaan ku boorinayaa dhammaan saamileyda siyaasadeed heer walba, dowlad-goboleedyada, iyo mas”uuliyiinta hay’adaha qaranku in ay ka shaqeeyaan dejinta xaaladda, ilaalinta hay’adaha dowliga ah, iyo in la dhowro dastuurka iyo sharciga dalka heshiiska lagu yahay” ayuu yiri Guureeye.

Sidoo kale wuxuu u soo jeediyay madaxda Soomaalida in ay talada dalka dhulka dhigaan, waxna ka siiyaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, door muuqdana ay ku yeeshaan hoggaanka dhaqanka, aqoonyahanka, culimada iyo dhexdhexaadiyeyaal lagu kalsoon yahay, si loo helo wada ogol, loona ilaaliyo midnimada dalka, islamarkaasna loo xalliyo khilaafaadka jira.

Wuxuu ku baaqay in Khilaafka siyaasadeed uusan carqaladeyn soo kabashada curdinka ah, amniga guud ee dalka, adeegyada bulshada, iyo hawlgallada lagula dagaallamayo argagixisada.

Agaasime Guureeye wuxuu xusay in Soomaaliya ay xilligan u baahan tahay siyaasad xasilan, doorasho waqti la isla ogol yahay ku dhacda, musuqmaasuq la’aan iyo hoggaan dadka mideeya.

PUNTLAND POST