Garoowe: Madaxweyne Deni oo la kulmay wafdi ka socda dowladda Maraykanka

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo madaxweyne ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee Garoowe kula kulmay wafdi ka socda dowladda Maraykanka, oo uu hoggaaminayo ku-xigeenka safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ahna sii hayaha xilka safiirka, Ambassador Justin Davis, ayna qeyb ka yihiin saraakiisha howlgalka AFRICOM, oo uu ka mid yahay Col. Shane Jones taliyaha howlgalada gaarka ah ee Maraykanka ee Afrika. 

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada, amniga, siyaasada iyo horumarinta, waxaa si gaar ah looga hadlay xaaladda kala guurka ah ee uu dalku galay iyo doorka Puntland, sidoo kale kulanka waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee Puntland iyo dowladda Maraykanka gaar ahaan dhinacyada amniga, maalgashiga, iyo ka faa’idaysiga khayraadka dabiiciga ah ee Puntland, sida macdanta, kalluumeysiga iyo shidaalka.

Ku simaha safiirka Maraykanka Justin Davis ayaa boggaadiyey hawlgalada ciidamada Puntland ka wadaan buuralayda Calmiskaad iyo guulaha laga gaaray la dagaalanka argagixisada, sidoo kale safiirka ayaa amaanay horumarka iyo nabadgelyada ka jirta Puntland, waxaana uu balanqaaday taageerada dowladda Maraykanka ee dhinacyada adkeynta amniga iyo baahinta adeegyada bulshada & horumarinta dhaqaalaha.

Waxaa kulanka ka qaybgalay, xubno ka mid ah golaha wasiirada Puntland, agaasimaha guud ee madaxtooyada iyo la-taliyeyaal madaxweyne.

PUNTLAND POST