Dil naxdin leh oo ka dhacay magaalada Boosaaso

Magaalada Boosaaso waxaa saaka lagu dilay Yuusuf Bootaan Ciise oo hore u soo noqday xildhibaan iyo wasiir ku xigeen ka tirsan Puntland.

Dilka ayaa la sheegay in uu geystay wiil uu dhalay marxuumka la dilay oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf Bootaan, kaas oo la tilmaamay in uu la noolaa xanuun dhanka dhimirka.

Wiilka ayaa la sheegay in uu dilka aabihiisa u adeegsaday toorrey uu dhowr jeer ku dhuftay, waxayna dhacdadan naxdinta leh ka dhacday xaafadda masjidka Al-aqsa.

Laamaha amniga magaalada Boosaaso oo tagay goobta falkan ka dhacay ayaa gacanta ku dhigay wiilka dilka geystay, waxaana socda baaritaano la xiriira dhacdadan.

PUNTLAND POST