
Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa ka hadlay wafdigii ka socday Puntland ee ka qaybgalay xuskii 18-ka May.
Wasiir Cali Xoosh oo arrintaas si dadban ugu dhaliilay madaxweyne Deni ayaa sheegay in aan cod siyaasadeed lagu kasban karin taageerada qadiyadda Somaliland, taas oo uu ula jeeday in ay arrintan la xiriirto olole doorasho.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aan guul siyaasadeed lagu gaari karin hoos u dhigidda doonista siyaasadeed ee shacabka maamulka Waqooyi Bari.
“Qofna guul siyaasadeed kuma gaarayo, Soomaalina cod siyaasadeed kagama kasban karo qof buunbuuninaya kala goynta Soomaaliya, islamarkaana hoos u dhigaya doonista siyaasadeed ee shacabka Waqooyi Bari” ayuu yiri Cali Xoosh.
Wafdi dhaqan oo hoggaaminayay
Yaasiin Muuse Boqor ayaa ka qaybgalay xuskii 18-ka May, kuwaas oo sheegay in ay ixtiraam u hayaan jiritaanka Somaliland, islamarkaana ay Puntland taageersan tahay qadiyadda Somaliland.
Warkii markii ugu horreysay oo wafdi ka socda Puntland ay magaalada Hargeysa u tagaan ka qaybgalka xuska maalinta Somaliland ee 18-ka May.
PUNTLAND POST