
Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Bari G/sare Siciid Aadan Siciid ayaa ka badbaaday shil gaari oo caawa ka dhacay degsiimada Sin-ujiif ee degmada Garoowe.
Gaari nooca Booliska ah oo uu ku safrayay taliye Siciid ayaa ku dhacay afaafka galbeed ee tuulada Sin-ujiif, waxaana shilkaas ku dhaawacmay labo askari oo ka mid ahaa ilaaladiisa, kuwaas oo la keenay isbitaalka magaalada Garoowe.
Taliye Siciid Aadan wuxuu ku soo jeeday dhanka magaalada Garoowe, isagoo ka yimid magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
PUNTLAND POST