
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaarysay weerar loo adeegsaday labo diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka oo lagu qaaday Boqortooyada Sacuudiga, kuwaas oo la sheegay in la qabtay lana burburiyay kaddib markii ay soo galeen hawada dalkaas.
War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in falkaasi yahay mid xad-gudub weyn ku ah madax-bannaanida Boqortooyada Sacuudiga, islamarkaana khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka. Soomaaliya waxay tilmaantay in ay si buuxda u garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudiga, iyada oo muujisay in ay taageersan tahay dhammaan tallaabooyinka looga gol leeyahay in lagu ilaaliyo amnigeeda, xasilloonideeda, iyo wadajirkeeda dhuleed.
Dowladda Soomaaliya waxay ku nuuxnuuxsatay in weerarrada lagu bartilmaameedsanayo amniga kaabayaasha muhiimka ah ee Sacuudiga ay wiiqayaan xasilloonida wadajirka ah ee gobolka.
Soomaaliya waxay ku baaqday in la xakameeyo, lana ixtiraamo shuruucda caalamiga ah, iyo dadaallada dib loo cusboonaysiiyay ee lagu ilaalinayo ammaanka iyo xasilloonida gobolka oo dhan.

PUNTLAND POST