Puntland oo wafdi u dirtay Hargeysa

Magaalada Hargaysa waxaa tagay wafdi ka socda Puntland, kuwaas oo u tagay ka qaybgalka 18-ka May oo ku beegan xuska sanad-guurada 35-aad ee gooni-goosadka Somaliland.

Wafdiga waxaa hoggaaminaya Yaasiin Muuse Boqor oo ka soo jeeda qoyska boqortooyada Daarood, kaas oo sheegay in ay ixtiraam u hayaan jiritaanka Somaliland, islamarkaana ay Puntland taageersan tahay gooni-goosadka Somaliland.

“Jiritaanka Somaliland raalli baan ka nahay, Puntland way taageersan tahay Somaliland, waxaana diyaar u nahay in aan wax isla qabsanno” ayuu yiri Yaasiin Muuse Boqor.

Warkii markii ugu horreysay oo wafdi ka socda Puntland ay Hargeysa u tagaan ka qaybgalka xuska maalinta gooni-goosadka Somaliland.

PUNTLAND POST