
Ururka Sincad iyo ururo kale ayaa isbahaysi siyaasadeed oo la xiriiira doorashadii goleyaasha deegaanka iyo wakiilada Koonfur Galbeed la sameystay ururka uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), kaas oo u sharraxan yahay Aadan Madoobe.
Ururka Sincad ee hoggaamiyo Eng. Maxamuud Khaliif Jabiye ayaa golaha wakiilada maamulka Koonfur Galbeed ka helay 6 xubnood, halka uu golaha deegaanka ka helay 26 xubnood.
Sincad ayaa ka mid ahaa saddexdii urur ee ugu cododka badnaa doorashooyinkii goleyaasha deegaanka Puntland ee dhacay 25 Maajo 2023.
Ururka JSP wuxuu golaha wakiilada Koonfur Galbeed oo ka booban 95 xubnood ka helay 53 xubnood, taas oo u dhiganta in uu helay 51%.
PUNTLAND POST