Xog: Xuutiyiinta iyo burcad-badeeda oo iska kaashaday afduubka markabka M/T Eureka

Sida ay xog ku heshay Puntland Post, burcad-badeeda Soomaalida iyo urur Xuutiyiinta Yemen ayaa iska kaashaday afduubka markabka M/T Eureka oo hadda lagu haysto xeebaha gobolka Bari ee Puntland.

Ururka Xuutiyiinta ayaa ka gacansiiyay burcad-badeeda qabsashada markabka M/T Eureka oo 2-dii bishan Maajo laga afduubay meel u dhow xeebaha magaalada Shabwa ee dalka Yemen. Xuutiyiinta waxay haystaan saddex nin oo Soomaali ah oo ay u haystaan damaanad, kuwaas oo ka socda dhanka burcad-badeeda, sida ay ogaatay Puntland Post.

Kooxda burcad-badeeda iyo Xuutiyiinta waxay doonayaan in ay kala qaybsadaan lacag madax-furasho ah oo ay ka doonayaan markabkan, waxaana hadda wararku sheegayaan in gorgortankii ugu dambeeyay uu marayo 10 milyan oo doolar, sida ay warisay Drop Site News.

Markabka M/T Eureka oo sida saliid waxa uu watay calanka dalka Togo ee galbeedka Afrika ka hor inta aan la afduubin, waxaana shaqaalaha saaran ay siddeed ka mid ah yihiin Masaari.

Kooxaha burcad-badeeda ah ayaa xeebaha Puntland ku haysta saddex markab oo ganacsi, kuwaas oo ay ka doonayaan lacag madax-furasho ah.

PUNTLAND POST