UNTMIS: Waa wax laga xumaado in kulamadii Xalane ku soo dhamaadaan natiijo la’aan

Xafiiska Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa ka hadlay wadahadaladii fashilmay ee dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka.

Qoraal ka soo baxay (UNTMIS) ayaa lagu yiri “Waa wax laga xumaado in mar kale ay kulamadu kusoo dhammaadaan iyadoo aan xal loo helin khilaafaadkii taagnaa”.

“Haddaba, iyadoo Soomaaliya ay gelayso xilli kala-guur ah, bahda UNTMIS waxay rajaynaysaa in, inta lagu jiro marxaladdan, Dawladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaanta siiso la-tashiga dhammaan daneeyayaasha si la isugu raaco qaab-doorasho oo la fulin karo, dadkana midayn kara” ayaa la raaciyay.

UNTMIS waxay ku baaqay in la muujiyo is-xakamayn, iyada oo sheegtay in ay diyaar u tahay in ay la shaqeyso saaxiibbada kale ee caalamiga ah si loo taageero dadaallada looga gudbayo kala-qaybsanaanta u dhexaysa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya.

Sidoo kale Hawlgalka Qaramada Midoobay wuxuu ugu baaqayaa Soomaalida in ay u midoobaan wax ka qabashada dhibaatada bini’aadantinimo ee ba’an ee dalka ka jirta iyo khatarta joogtada ah ee ay argagixisadu ku hayso Soomaaliya.

PUNTLAND POST