DFS oo sheegtay in ay fashilmeen wadahadaladii Xalane

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay wadahadaladii saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka socday xerada Xalane ee Muqdisho, kuwaas oo ay sheegtay in ay ku dhammaadeen natiijo la’aan.

War-saxaafadeedka ay soo saartay dowladda Federaalka ayaa lagu yiri “Sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay, Dawladdu waxa ay wadahdallo la yeelatay qaar ka mid ah Xubnaha Mucaaradka ah kuwaas oo miiiska keenay aragtiyo ka hor imaanaya xuquuqda aas-aasiga ah ee Muwaadinka uu u leeyahay in uu wax doorto lana doorto”.

“Sidaas darteed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay la wadaagaysaa Shacabka Soomaaliyeed in dalka ay ka qabsoomi doonto doorasho qof iyo cod ah, xor iyo xalaal ah, hufan, isla markaana waafaqsan Dastuurka, shuruucda dalka iyo Barnaamijka Siyaasadeed ee Dowladdu balanqaaday” ayaa la raaciyay.

Golaha Mustaqbalka oo shirka ay uga qaybgaleen madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dhankooda weli wax war ah ka soo saarin wadahadallada fashilmay ee ay la yeesheen dowladda Federaalka.

PUNTLAND POST