Ruushka oo deeq raashin ah soo gaarsiiyay Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta gargaar raashin ah kala wareegtay safiirka dowladda Ruushka u qaabilsan Soomaaliya iyo Jabuuti, Mikhail Golovanov oo booqasho ku jooga Muqdisho.

Gargaarkan oo dhan 25 tan oo raashin ah ayaa dowladda Ruushka ugu deeqday shacabka Soomaaliyeed si wax looga qabto xaaladaha bini’aadannimo ee ka jira dalka, iyadoo lagu wareejiyay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya ee SoDMA.

Safiir Mikhail Golovanov ayaa sheegay in dowladda Ruushka ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada ay jiraan duruufaha bini’aadannimo iyo baahiyaha degdegga ah.

Muddooyinkii u dambeeyay dhowr dalka ayaa dowladda Soomaaliya soo gaarsiiyay deeq isugu jirta lacag iyo raashin, hase ahaatee Hay’adda SoDMA inta badan ma gaarsiin dadkii loogu talagalay.

PUNTLAND POST