
Dagaal xoogan ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo, kaas oo sababay dhamashada saraakiil muhiim ahaa oo ka tirsan ciidanka xogga dalka Soomaaliya.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu markii hore dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.
Dagaalkaas ayaa markii uu istaagay kaddib la sheegay in Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku soo qaaday ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo sababay khasaare badan.
Weerarkaas waxaa ku dhintay ku-simihii taliyihii qeybta 60-aad ahaana taliyihii guutada 9-aad ee qeybta 60-aad taliye Yoonis Aadan, taliyihii guutada 8-aad ee qeybta 60-aad, taliye Cali Cadow iyo saraakiil kale.
Dagaalkan ayaa ku soo aaday, xilli maanta Baydhabo lagaga dhawaaqay natiijada doorashadii Koonfur Galbeed, taas oo 53% uu ku guuleystay Aadan Madoobe oo ay wadatay dowladda Federaalka Soomaaliya.
PUNTLAND POST